Madaxweynaha dowlad Gobolka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa sheegay in degaannada Galmudug ay kajiraan dhibaatooyin ay sabab u yihiin Al-Shabaab iyo abaar baahsan.

Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinayay munaasabad lagu soo dhaweeynayay Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in dhibaatada abaaraha ay saameyn weyn ku yeelatay Bulshada degaannada Galmudug.

Isaga oo ka hadlayay Arrimaha Amniga ayaa waxaa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in Galmudug ay kujirto dagaal joogto ah, isla markaana u diyaarsan yihiin Shacabka & Madaxda Galmudug inay la dagaalamaan Al-Shabaab.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha dowlad Gobolka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer degaannada Galmudug ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda oo taageero kahelaya dadka deaanka iyo Al-Shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here