Madaxweyne Trump oo la dhigay Isbitaal iyo aqalka cad oo War soo saaray (Sawirro)

0

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la dhigay Isbitaalka si loo daweeyo, ka dib markii laga helay xanuunka COVID-19, xilli maamulkiisa iyo ololihiisa doorashadu ay ka shaqeynayaan sidii ay wax uga beddeli lahaayeen xaaladdan cusub ee soo korortay

Markii Isbitaalka loo qaadayey, madaxweynaha ayaa isaga oo si aayar u socda ka soo baxay Aqalka cad, xilli ay sugeysay dayuurad helicopter ah oo u qaadday Isbitaalka militariga ee Walter Reed oo ku yaalla magaalada Bethesda ee gobolka Maryland ee duleedka magaalada Washigton DC.

Madaxweyne Trump ayaa dhowrka maalmood ee soo socda joogi doono qeyb gaar ah oo Isbitaalka ku taalla, taxadar dartii, sida ay sheegtay xoghayaha saxaafadda ee Aqalka Cad, Kayleigh McEnany.

Markii uu yimid Walter Reed, madaxweynaha ma uusan aadin qolka gargaarka degdegga ah si loogu daweeyo, laakiin wuxuu toos u aaday qeybta madaxtooyada ee isbitaalka, sida ay sheegayaan warbaahinta la saaxiibka ah BBC ee Mareykanka, CBS News.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here