Siyaasadu waxaa lagu tilmaama ciyaar wasakha
(politics is a dirty game) doorashada Madaxweyne ee sanadka Soosocda ka dhacaysa dalka Bariga Africa ugu Dimquraadsan ee Kiiniya ayaa waxa loolan Adag dhex-mari ,doonaa Mushrarixiinta kala ah Raila Odinga oo Hogaamiya xisbiga Orange Democratic Movement iyo William Ruto oo ah madaxweyne ku-xigeenka Kiiniya hogaamiyana The United Democratic Alliance,

Hadaba waxaa yaab leh Uhuro iyo Ruto oo kasoo kala jeeda Qabiilooyinka Kukuya iyo Kalenjin waxay in badan ahaayeen ragg rafiiq siyaasad Ku ah , iyagoo ku balamay marka uu dhamaado muddo xileedka President Uhuro Kenyatta in marka la dhisi doono William Rutto, kadib maxaa dhacay,

Niccolò Machiavelli, oo ah qoraaga buuga The Prince , marjacna u ah siyaasada wuxuu leeyahay kursiga waa inaad dariiq kasta umartaa kuna ilaashato, awooda cida haysa ayaa sharciga ka saraysa , Siyaasadu malaha Akhlaaq iyo insaaniyad ee Waa maslaxad,

Qabiilka kukuya oo ugu badan Kiiniya waxay noqdeen waxa loo yaqaan ( deep state) ama dawlad Gun-dheer waxay gacanta Ku hayaan Ciidamada malatariga Booliska , Sirdoonka , Ciidanka Bada , ciidanka cirka, dhaqaalaha wadanka iyo Warbaahinta,

William Ruto oo ah 54-jir hadii uu qabto talada kiiniya Waxay kukuya u aragtaa Inuu yahay Nin dhaliinyaro oo in badan siyaasada ku jiri kara halisna gelin doona mustaqbalkooda siyaasadeed .
waana sababta keentay inay doorashada taageeraan Raila Odinga oo ay waligood Xukunka Inuu qabto udiidanaayeen.

Raila Odinga oo ah 76-jir waxa uu doonaya Inuu maruun gallo Taariikhda oo madaxweyne noqdo
Uhhuro iyo qabiilkiisa ayaa u arka Raila Inuu yahay nin da”a ah oo Waxa badan xukunka Kiiniya sii xukumi karayn, oo fursad usiinaysa in Qabiilka kukuya sifudud markiiba xukunka ugu soo noqon karayaan.

Buuga ugu weyn ee Farsamada dagaalka iyo Strategy-yada laga barto ee uu qoray Sun Tzu
Wuxuu leeyahay markaan dagaal gallayso waa inaad ogtahay Awoodaada iyo Awooda cadawga kaa soo horjeeda, tusaale marka xisbiyadu doorashooyin gallayaan waa inay garan karaan Awooda taageero shacab ee ay heli karaan iyo natiijada ay Ku guulaysan karaan .

Uhuro Kenyatta iyo Raila Odinga , sanadooyin badan waxay ahaayeen ragg siyaasad iyo hogaanka Kiiniya, col Ku ah ,balse maanta waa Saaxiib is dhisaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here