CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaaliya Xasan Sheekh ayaa saaka u safray isla markaana gaaray furumah dagaalka ee u dhexeeya ciidamada Dowlada iyo Alshabaab.

Madaxweynaha oo ay wehliyaan  saraakiil Ciidan ayaa saaka ka baxay Muqdisho isagoona  tagay Magaalooyinka Xarar dheere iyo Ceeldheer oo Galmudug ka tirsan halkaasoo dhanka kalana ay ka dhaw yihiin dagaalanayasha Alshabaab.

Advertisement

Labada Magaalaba deegaano u muuqda waxaa heysta alshabaab xili Madaxweynuhuna gaaray saakay oo booqday labadaba.

Warar aan wali la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweynuhu dib u bilaabi doono guluf dagaal oo ka dhan ah Alshbaaa  xili uu fariisin ka dhigan doono mar kale deegaanada Galmudug.

Dib ugu laabashada Madaxweynaha ee deegaanada Galmudug ayaa ku soo aadaya xili Alshbaaab dib u qabaadeen deegaanada Caad,Camaara iyo Bacaadweyne.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Previous articleMucaaradka Dowladu ma mideyn karaan afkaartooda?
Next article10 Alshabaab ah oo mar kaliya isku soo dhiibay Dowlada Somalia

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here