NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Nairobi kula kulmay dhigiisa Dalka Kenya William Ruto kadib markii uu socdaal shaqo ku tagay.

MadaxweynayaashaLabada Dal ayaa isla soo qaadeen iskaashiga labada dal iyo ujeedka safarka madaxweyne Xasan xili maalmo ka hor uu Naitobi ka tagay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamze Cabdi-Barre oo ay is arkeen Ruto.

Advertisement

Madaxweyne Xasan oo ka hadlay safarkiisa ayaa xusay inay ka go’antahay labada dalba sidii loo meel marin xaqiijinta nabada gobolka.

Dhanka kale waxaa jira heshiisyo ganacsi iyo kuwa siyaasadeed oo labada dal hore u wada galeen xili qaarkood aan wali la fulin lagana yaabo inay hada isla eegaan labada madaxweyne.

Dhanka kale waxaa jira warar aan la hubin oo sheegaya in Kenya ku howlan tahay xalinta khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Somalia kaasoo aan la ogeyn sida uu ku xalin karo William Ruto xili qadiyado waa weyn la isku hayo.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here