Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo  jeediyey khudbad uu kaga hadlay xaalada dalka ayaa soo hadal qaaday arimo kala duwan.

Ugu horeyn Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in sanadkaan 2023 ay rajo ka qabaan in al shabaab guud ahaan dalka laga saaro.

Waxa uu bogaadiey guulaha isdaba jooga ah ee ciidanku soo hooyeen kuwaas oo 7 bil uu xukunka joogay laga saaray argagaxisada meelo badan ay sanado katalinayeen.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ATMIS ciidanka katirsan ay bixi doonaan dhamaadka sanadka 2024 xilligaas oo amniga dalka la wareegi doonaan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha JFS ayaa soo hadal qaaday arin buuq siyaasadeed abuurtay oo aheyd Siciid Deni inuu diiday qodobo ku jiray war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii golaha wadatashiga qaran ku yeesheen Muqdisho.

Xasan sheekh ayaa sheegay in Puntland ay codsadeen wadatashiyo ay lasoo yeeshaan Baarlamaankooda ayna rajo ka qabaan in ay ogolaan doonaan saxiixa qodobadii ay diideen.

Inta badan khudbada uu jeediyey galabta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu uga hadlay dagaalka ka dhanka ah argagaxisada al shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here