Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo xalay gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya, iyada oo halkaasi siweyn loogu soo dhaweeyay.
Madaxweynaha ayaa Maanta ooJimce ah ka qeyb gali doona Meertada 32-aad ee Hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wadajirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka Al-Shabaab iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.
Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalka Soomaaliya ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhawaan sidoo kale tegay Magaalada Doxa e dalka Qatar, isaga oo halkaasi kula kulmay Madaxda dalkaas, isaga oo kala hadlay arrimo ku saabsan xaaladda Soomaaliya



