Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa saaka markale dib ugu laabtay magaalada Jowhar oo ah caasimada dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle.

Shariif iyo wafdigiisa ka amba-baxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa halkaasi ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan HirShabelle iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Booqashadan oo ah tii labaad oo uu maalmo kooban gudahood Sheekh Shariif ku tago Jowhar ayaa saacadihii u dambeeyey si aad ah looga hadal hayey baraha bulshada.

Sidoo kale Safarka madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo haatan ah guddoomiyaha Madasha Xisbiyada Qaran ayaa la xiriira dadaallo uu ugu jiro xal ka gaarida dhismaha HirShabelle.

Wararka ayaa sheegaya in Shariifka ay la socdaan waxgarad ka raacay magaalada Muqdisho, isaga oo sidoo kale kulamo ka bilaabi doono caasimada Jowhar.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here