Magaalada Gaalkacayo oo Caawa Dil ka dhacay

0

Dabley bastoolado ku hubeysan ayaa caawa qof shacab ah waxay ku dileen Masaajid ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Siciid Jaamac Kulan (Maradona) oo ka tirsanaa dhalinyarada degaanka ayey wararku sheegayaan in lagu dhex dilay masaajidka Abuu Hureyra ee magaalada Gaalkacyo markii rasaas ku furay nin bastoolad ku hubeysan.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ninka hubeysan ee dilka geystay uu deg deg uga baxsaday Masaajidka, laguma guuleysan in la qabto sida ay ku warameen dad goob joogayaal ah.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray masaajidka uu dilku ka dhacay, iyagoo halkaas ka wada howlgalo baaritaano ah, lamana oga illaa hadda sababta loo dilay ninkan iyo cida ka dambeysay inkastoo dilalka noocan ah loga bartay Al-Shabaab.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here