Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud Maleeshiyo hubeysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday gaari ay saarnaayeen koox ganacsato ah oo ka ambabaxay degmada Balanballe ee gobolka Galgaduud kuna sii jeeday dowlad degaanka Soomaalida.

Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Garasle oo hoostaga dowlad degaanka Soomaalida

Waxaa ku geeriyooday weerarkan ugu yaraan labo qof, halka qof oo kalana uu ku dhaawacmay sida ay sheegayaan dadka degaanka

Weerarkan ayaa sababay dagaal u dhexeeya labo maleeshiyo beeleed oo ka soo ka soo kala jeeda degaanka Garasle iyo degmada balanballe galabta halkaas ka dhacay, kaasoo aan la ogeyn khasaaraha nafeed ee ka dhashay.

Office Nairobi Kenya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here