Maraykanka oo xaqiijiyay in sanadkan 2020-ka uu khaarijiyay saraakiil Shabaab muhiim u ahaa oo uu ku jiro Cabdulqaadir Kumaandooshaa

0

War kasoo baxay Taliska howlgalada Qaaradda Afrika ee Mareykanka loona soo gaabiyo AFRICOM ayaa lagu faah-faahiyay duqeyn 15-cishe kahor ka dhacday Meel u dhaw Degmada Saakow lagu dilay Cabdulqaadir Kumaandoos.

Mareykanka ayaa sheegay in Cabdulqaadir uu ahaa xog ogaal sarkaal ah oo muddo la shaqeynayay Al-Shabaab, kana mid ahaa raga talada Al-Shabaab wax ka gooya marka laga hadlayo go’aamada.

“Howlgaladeena lagu wiiqayo Dhibaatooyinka Soomaaliya waa duqeynta diyaaradaha ee lagu bartilmaameedsanayo hoggaamiyaasha Al-Shabaab, wadajir ayaan usii wadi doonaa annaga iyo Soomaaliya howlgalada ka dhanka ah Argagixisada” Sidaasi waxaa lagu yiri Gen. Stephen Towsend AFRICOM.

Warka kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in tan iyo bilawgii Bishii Janaayo horraantii sanadkaan 2020-ka Soomaaliya ka fuliyay 46-weerar oo Mareykanka u adeegsaday diyaaradaha duulliye la’aanta ee loo yaqaan (Drones).

Mareykanka ayaa sheegay in duqeymahaas ka dhacay Soomaaliya intooda badan lagu burburiyay shabakado Shabaab ah oo isku xirnaa, saraakiil ay dileen iyo kahor-tagga weerarada ka dhanka ah danaha Mareykanka iyo Saaxiibada kale.

“Waan Sii wadeynaa xiddido siibidda kahor-tagga khatarta Argagixisada, Annaga iyo Soomaaliya oo si wadajir ah isu kaashaneyna ayaa daciifinay hoggaanka Shabakadda, Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa kawada shaqeynaya ammaan” ayaa lasii raaciyay hadalka AFRICOM.

Mareykanka ayaa sheegtay in sannadkaan 2020 Soomaaliya uu ku dilay saddex sarkaal oo xubno muhiim u ah Al-Shabaab oo kala ah: Bashiir Maxamed Maxamuud oo ku magac dheer (Bashiir Qoor-gaab), Yuusuf Jiis iyo Cabdulqaadir Cismaan yarow oo loo garan ogyahay (Cabdulqaadir Kumaandoos).

 

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here