Maraykanka waa wadanka ugu badan cudurka Covid-19 dadkiisu aafeeyay waana wadanka ugu dhimashada badan oo lagu qiyaaso nus milyan ku dhowaad tira dad ah inay uga dhinteen, waxaa isla sanadkii 2020 oo ahaa sanadkii uu dilaacay cudarkan ka dhacay isu soo baxyadii ugu waawaynaa ee dalkaas ka dhaca waqtiyadan dhow sida dilkii ninkii Madoobaa, isu soo baxyadii tartankii doorashooyinka, guushii madaxwaynaha cusub, diidmadii doorashada ee kooxdii Trump ee lagu weeraray aqalka baarlamaanka Maraykanka intaba ma jirin cid isku xirtay cudurka Covid-19 iyo dibab-baxyadaas.

Madaxda Soomaaliya ee waqtigoodu dhamaaday waxay maanta qabanayaan mashquulna ku noqdeen cabsi ka jirta banaanbaxa lagu baaqay awgiis shirar jaraa’idyo ay dadka ku cabsi gelinayaan in cudur jiro banaanbaxyaduna ay halis keeni karaan, iyadoo goor aan dheerayn mar uu Farmaajo yiri Xamar ayaan 13 Senator siiyay shacab lagu soo kiciyay magaalada cudurkan maanta laga hadlayana aan ognahay inuu sanad jirsaday jirayna maalmahaas iyo ka hor “HASHU

MAANKEEY GADAYE MA MISAAR BAY LIQDAY” ?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here