Kadib markii dhawan qadka Teelka ay ku wada hadleen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee maraykanka ayay arimo badan isla soo qaadeen sida xaalada Soomaaliya iyo khilaafka Itoobiya iyo Soomalia.

Afhayeenka Aqalka Cad, Mathew Miller ayaa saxaafada u sheegay in labada masuul ka wada hadleen sidii xiisada loo dejin lahaa islamarkaana Madaxweynaha Soomaaliya uu hoos u dhigo kicinta xiisadda gobolka.

Advertisement

 “waxay ka wada hadleen danaha amni ee Geeska Afrika, sida in la yareeyo xiisadaha gobolka”ayuu yiri afhayeenka Aqalka Cad, Mathew Miller.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee maraykanka wuxuu ugu baaqay Madaxweyne Xasan inuu xoogga saaro la dagaalanka kooxaha Dowlada ka soo horjeeda sida Alshabaab.

dhanka kale waxay ka wada hadleen sida Ciidamada Soomaaliya ugu diyaar garoobi lahaayeen inay amniga Dalkooda sugtaan madaama kuwa midowga Afrika yihiin kumeel gaar.

Warka mareykanka waxaa loo fasari karaa caqabad ineysan kaga imaan karin Itoobiya sidaas daraadeedna ay Soomaalidu isku mashquulin dhanka kaliyana shaqooyinka hor yaal qabsadaan.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here