Warsaxaafadeed ka soo baxay talista Mareykanka ee Afrika kaas oo loo soo gaabiyo AFRIKOM ayaa lagu sheegay in Mareykanka duqeyn cirka ah uu ka fuliyay Soomaaliya uu ku dilay 17 ka tirsan AS.

“Codsi ka yimid Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa qaaday weerar ballaaran oo ay isaga difaacayaan AS oo weerar ku ah ciidamada Soomaaliya.” ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay talista AFRICOM

Sidoo kale Warsaxaafadeedka ka soo baxay talista AFRIKOM ayaa lagu sheegay Mareykanka uu sii wadi doona Ciidanka uu u tabaro Soomaaliya iyo Qaabeynta Ciidanka “Soomaaliya ayaa weli ah xubin lagama maarmaan u ah xasilloonida iyo amniga dhammaan Bariga Afrika. Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona tababaridda, la talinta, iyo qalabeynta ciidamada saaxiibada ah, si ay u siiyaan agabka ay u baahan yihiin si ay uga adkaadaan AS” ayaa lagu sii yiri

Duqeyntay ayaa dhacday 9 November 2022-ka, kaddib markii ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay dagaal kaga hortageen AS, deegaan Magaalada Muqdisho oo Waqooyi Bare kaga beegan qiyaastii 285 kiilo mitir.

Warsaxaafadeedka ka soo baxay talista AFRICOM ayaa lagu soo gabagabeeyay “Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa sii wadi doona qiimeynta natiijada howlgalkan waxayna bixin doonaan macluumaad dheeri ah sida ugu habboon.”

Duqeynta uu fuliyay Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa ku soo beegmaya xilli guud ahaan dalka uu ka socda dagaal ka dhan ah AS, kaas oo ay ku baaqeen Madaxda Dalka ugu sarreya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here