Markay bisadu maqantahay jiirarkii ayaa Ciyaari doona!

0

When the cat’s away the mice will play!

Ex. PM Xassan Cali Khayre, intii uu xilka hayay wuxuu lahaa saaxiibbo badan, dad aan ka mid ahaa waxay u arkayeen inuu udub-dhexaad u ahaa guulaha loo nisbeeynayay Dowladda uu hogaaminayo Madaxwayne MC Farmaajo.

Markii PM Khayre xilka laga qaaday, sifa kasta xil ka qaadistiisa ha loo maree, wuxuu noqday markab jabay oo cid kasta ay ku soo yaacday oo ay faganayso, saaxiibadii ugu dhowaa waxay noqdeen mid hoosta ka qosla & mid sii turuntureeya . That is all about politics.

Khayre, nin jecel iyo nin kaleba, Soomaali iyo shisheeye intuba waxaa loo qirsan yahay inuu ahaa R/wasaarihii ugu kartida badnaa ee taariikhda Soomaaliya soo mara, waxaa la yaab ahayd in R/wasaarayaashii ama madaxdii isaga ka horeeysay lagu dhaliili jiray in ay qabiilkooda naas-nuujinayeen, isagu wuxuu ahaa taas bil-caksigeeda.

Wuxuu albaabada ka xirtay xirfadlayaashii iyo aqoonyahanadii beeshiisa. Waxaan marqaati ka ahay aqoonyahanno badan oo ku reer ah inay u u wada ciil-qabeen, sababtuna waxay ahayd, waxaa lagu lahaa: war ma hebel baad ka liidataa oo dadkiisa wax u qabtay.? Wuxuu ku doodadayey, ma rabo in la ii arko shaqsi qabiil. Kuwii uu soo dhowaystay na maalintii la dulmiyay kow iyo 2 qof ayaa u soo baxay, intoodii kale ma aragtay adiga.?

Khayre, haddii uusan ahayn Galmudug meesha ay maanta joogta ma joogi lahayn.

Khayre, is-raaca Galmudug iyo middeynta dhinacyadii isku hayay maamulkeeda wuxuu ku bixiyay wax walba oo suurtagal ah. Reer Galmudug haddeey dad abaal iyo ixsaan leh yihiin Khayre ha u abaal-gudeen.

Qoraa sare  Cabdishakuur  Cilmi Xasan

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here