MUQDISHO (DAYNIILE.COM-Xuseen Macalin Maxamuud oo ah  la-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay dagaalkii ka dhanka ahaa kooxda Alshabaab ee Dowladu hormuudka u ahayd.

La taliyaha Madaxweyne Xasan wuxuu sheegay in dagaalka horumar fiican laga sameeyay walow mararka qaar dib u dhac uu jiri karo sida uu u sheegay warbaahinta Dowlada.

Advertisement

Xuseen Macallin  wuxuu tilmaamay  inaaneey waxba iska badalin  qorshihii dowladda ee dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Sarkaalkaan wuxuu carabka ku dhuftay in sida ay qiyaasayaan aaney Alshabaab dhaafi doonin bilahaan soo socda, isagoo ula jeeda inay dalka oo dhan ka saari doonaan.

Dhanka kale La taliyaha oo ka hadlaayay awooda Alshabaab ee xiligaan ayaa sheegay inay marayaan xaalad quus ah.

“dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an in la gaarsiiyo wakhtigii  ay is-dhiibi lahaayeen ama ay dalka ka carari lahaayeen”ayuu yiri Xuseen Macalin

XAFIISKA WARARKA

DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here