Tilmaamta ugu habboon ee heshiiska xalay la gaaray leeyahay waa in uu ahaa isku danaysi ku meel gaar ah, hal ku dhiggiisuna yahay “waa socon waynee aan orodno”.

Sanad ka hor Madaxweynaha iyo afarta maamul gobolleed waxay ku heshiiyeen in 30-ka June oo ah dhammaadka bisha soo socota la qabto doorashooyinka Dowladaha hoose, halka doorashooyinka xubnaha Golaha Wakiillada, Madaxweynaha iyo ku xigeenka la qabto 30-ka November ee sanadkan.

Advertisement

Markii lagu guuldaraystay, rajana laga qabin in ay dhacayso ayaa lagu heshiiyey in waqti u qabashada doorashooyinka oo idilba la iska daayo, laguna gaabsado in doorasho qof iyo cod ah oo muddo iyo xilli lahayn la sheego.

Siyaasadda gudcur ku guurka ah ee lagu laray habdhaqanka musuqa, eexda, kali talinta iyo danaysiga waxay nuxuusiyeen, hamigii, hankii iyo ruuxdii dadwaynaha (public sprit), taasoo dilaysa yididiiladii ay shacabku ka qabeen hanaqaadka dawladnimada.

Dadka Soomaaliyeed iyo dunida na taageertaba waxaa dawlad loogu yahay, madaxda shirtayna lagu aqoonsanyahay waa sharciyad siyaasadeed. Madaxweynaha oo sanadkii seddaxaad galay, weli muddo xileedkiisii waqti ayaa uga harsan, laakiin madaxda dawlad gobolleedyada wuu ka dhammaatay, waana in ay ogaadaan in Madaxweynaha iyo muddada doorashooyinka oo la mideeyo midkoodna sharciyad siin karin.

Waxay ku qasbanyihiin in ay doorasho galaan, waxaa hubaal ah in isku danaysiga ku meelgaarka ahi uusan sii waari doonin, dalkana masiir mugdi ah lagu sii wadi karin ee ma iyagoo sita ayey doorasho gelayaan, mise waxay sugayaan inta laga sidan doono?

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here