Xujeyda Soomaaliyeed ee maalmo ka hor gaareen Kacbada si ay usoo gutaan acmaasha Xajka ayaa galabta waxay gaareen Magaalada Madiina Al munawara xili ay booqdeen qaar ka mid ah goobaha barakeysan.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda Awqaafta Dowlada Somalia ayaa la soo shegayaa inay galabta u fududeeyeen xujeyda Soomaaliyeed inay booqdaan Masjidka Nabiga CSW iyo sidoo kale Masjidu Qubaa, Buurta Uxud iyo Qabuuraha Shuhadada ee Uxud.

Xujeydaa waxaa lagu wadaa inay maalmahaan ku cibaadeystaan masjidka Nabiga oo ajar aan xisaab laheyn laga helo.
Inkastoo wali xujeyda Somaliyeed wada gaarin Sucuudiga waqtiga Xajka la dawaafayana aan wali la gaarin ayaa waxaa 2 maalin ka hor gaaray Sucuudiga qeybta ugu horeysay Xujeyda  Soomaaliyeed kuwaasoo ku sugan Magaalada Madiina.
 Guud ahaan qeybaha kale xujeyda Soomaalida ayaa lagu wadaa inay maalmaha soo socda gaaraay Dalka Sacuudiga.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 1 personMay be an image of 8 people
May be an image of 3 peopleMay be an image of 8 people and monumentMay be an image of one or more peopleMay be an image of one or more peopleNo photo description available.May be an image of 3 people
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here