Masuul xil sare ka soo qabtay dowlada Federaalka oo weera afkaa ku qaaday laamaha Amniga

Dilka shalay ka dhacay Bakaaraha waxaa ka khaldanaa ugu yaraan saddex waxyaabood oo culculus oo qaarkood ay u baahan yihiin baaritaan lagu hubinayo in fal dembiyeed uu dhacay iyo in kale. Midna uu noqon karo xog la dayacay.

Qof aan Maxakamadi xukumin waxaa la dili karaa marka uu fal naf goyn kara faraha kula jiro, si kale oo looga badbaadaana aanay jirin. Waa marka uu isagu xabbad ridayo ama uu rid is leeyahay ee lagala hor maro. Intaas oo ruux oo qof dumar ahi ku jirto ma ku dhinteen si sharciga waafaqsan?

Tan labaad, waa xadgudub waana foolxumo in meyd dariiqa la soo dhigo, haddana la sawiro oo baraha bulshada lagu faafiyo.

Dariiqa iyo baraha bulshada waxaa labadaba jooga carruur iyo dad waaweyn oo aan xammili karin ama aan dooneyn muuqaalka dad la dilay oo waddada la dhigay.

Ma aha dhaqan Dowladeed.

Tan saddexaad, ma aheyn in magaciisa la sheego Agaasimaha lagu tilmaamay in si isaga loo difaaco darteed loo dilay intaas oo qof.

Ma ahan dhaqan hey’ado amni oo Dowladeed, sababta oo ah isaga ayay halis hor gelin kartaa sheegidda magaciisu.

Waan garan karaa in ciidanka amniga ay saaran yihiin laba culeys: Shabaab oo Dowladda, ciidanka iyo shacabkaba weerar ku ah. Iyo shacabka oo dhaliil la daba taagan ciidanka.

Taasi qiil uma siineyso in caro ay u qabaan Shabaab ay ka baxaan xadka sharciga.

Muwaaddinka Soomaaliyeed sharaftiisa iyo karamaadiisa waa in la dhowraa nolol iyo geeriba.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064