Wakiilada kasocda Puntland iyo Jubaland ayaa codsaday in shirka laga saaro wakiil gaar ah oo uu shirka usoo dirsaday Madaxweynaha mudo xileedkiisu dhamaaday, iyagoo ku hanjabay haduu shirka kabixi waayo inay isaga tagayaan goobta.

Wararka aan ka heleyno shirka guddiyada dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee magaalada Baydhaba ayaa sheegaya in xalay laga saaray Cabdi Cali Raage oo ah la-taliyaha sii-hayaha xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Cabdi Cali Raage ayaa shalay gelinkii dambe kasoo muuqday furitaanka kulanka, taasi oo abuurtay su’aalo badan, maadaama uusan ka mid aheyn xubnaha 14-ka ah ee guddiyada farsamo ee uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Labada xubnood ee uu Rooble magacaabay inay matalaan dowladda federaalka, ayaa kala ah: Wasiirka Dastuurka Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac iyo Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Xildhibaan Cabdullaahi Abuukar Xaaji, sidaas darteed lama yaqaan waxa shirka dhex keenay Cabd Cali Raage.

Illaa iyo hada waxaa la is waydiinayaa sababta uu farmaajo udirsaday ergay gaar ah oo aan kamid ahayn 14ka xubnood ee min labada ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here