Muna Maxamed Shire oo uu adeer dhow u yahay Farmaajo ayaa 9-kii Feberaayo ka soo degtay garoonka Muqdisho iyadoo sidata Baasaboor Diplomacy.

Azhaar oo ah gabar joogtay qeybta Passport Control ayaa weydiisay aqoonsigeeda, hey’adda ay ka tirsan tahay in ay reebto Baasaboorka maadaama uu yahay midka dowladda ay sharci tahay in garoonka laguu reebo.

Hayeeshee Muna Maxamed Shire ayaa ku jawaabtay gacan ka hadal, waxaana kusoo baxay Arrintaan Booliiska oo xiray Muna, daqiiqado kaddib ayaa saldhigga Booliiska garoonka laga sii daayey, Madaxweyne Farmaajo ayaa ku amray Kulane Jiis in uu degdeg kusoo xalliyo arrintaas.

Saraakiisha Booliiska ayaa isku khilaafay cidda sii deysay Muna.

Azhaar waxaa awoowe u ah Madaxweyne Cali Mahdi, waxaana la sheegayaa in sababta gacan ka hadalka keenay ay tahay caddiifad qabiil, madaxweynihii Hore Farmaajo ayaa adeegsanaya wax ka baxsan sharciga dalka, waan arrin horseedi karta burbur hey’adaha dowladda.
Heegan Shacab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here