Kulan qarsoodi ah oo ka dhacay Magaalada Nairobi ayaa waxa yeeshay siyaasiyiin kasoo jeeda Puntland oo mucaarad ku ah Madaxweyne Siciid C/llaahi Deni.

Kulankaas oo ahaa mid albaabada uxirnaa ayaa waxaa uu dhexmaray Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano oo kamid ah siyaasiyiinta sida weyn udhaliilsan hanaanka uu maamul ahaan Puntland ku hogaamiyo madaxweyne Siciid Deni.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay  kulankaasi gaarka ah ee ka dhacay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Sida ay xaqiijinayaan xogo lagu kalsoon yahay shirka Labada siyaasi ayaa kamid ah dadka sida weyn uga horjeeda in uu mudda kororsi samaysto madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mudda xileedkiisu ku eg yahay 8 Jan sanadka 2024-ka.

Inkastoo aysan jirin xog rasmi ah oo ka soo baxday kulanka Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano haddana Warar hoose ayaa xaqiijinaya in mucaaradka kusugan Bari iyo Nugaal ay ka mideysan yihiin diidmada mudda kororsiga.

Madaxweynaha Dawlad Gobolleedka Puntland Siciid Deni oo hadda kusugan magaalada Muqdisho ayaa isna saacadaha soo socda ku wajahan Nairobi waxaana xusid mudan in safarkiisa Nairobi aysan ku wehelin cid ka tirsan dowladda.

Madaxweyne  Deni ayaa lagu wadaa in uu sidoo kale u sii gudbo dhinaca magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta balse faahfaahin intaas ka badan lagama hayo safarkiisa.

Deni iyo madaxda kale ee Dawlad Gobolleedyada ayaa bisha febraayo waxay qorsheenayaan inay muddo kororsi isku wakhti ah sameystaan taas oo ay Dawladda Federaalka heshiiskaasi kula galeen shirkii golaha wadatashiga qaran ee shalay lagu soo gaba gabeeyey Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here