Agaasimihii hore ee Heyadda socdaalka iyo Jinsiyada Dowlada Somalia hadana ah musharax  Madaxweynaha Galmudug Maxamed Aadan Koofi ayaa sharaxaad ka bixiyay  dhibaatooyin Somalia ka dhaxli karto ku biirista Soomaaliya ee xubinimada Golaha amaanka Qaramada Midoobe.

Haddaba halkaan ka akhriso qormada Koofi:-

Advertisement

Kursigaan waa in aan Saaxiibo Cusub ku kasbanaa kuwii horana ku xajisannaa oo aysan naga lumin.

Marka hore waxaan Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa hanashada kursiga aan joogtada aheyd ee golaha Amaanka Qaramada midoobey.

Si gaar ah, waxaa mahadcelin iyo bogaadin naga mudan Madaxa Ergada Soomaaliyeed ee joogta Qaramada Midoobey, Amb. Abukar Dahir Osman (Baalle) iyo kooxda la shaqeysa.

Xubinimadaan waa howl culus oo u baahan in kaalinteeda lagu buuxiyo si masuuliyadi ku jirto.

Xaaladaha qasan ee hadda dunidu dhex maquuraneyso, iyo loolanka awoodaha dunida, kursigaan waxaa laga dhaxli karaa eedo heer gobol, heer qaarad, iyo heer caalami ah, kuwaas oo sii kordhin kara cadowga ummadda Soomaaliyeed, saameyn karana taageerada aan dalalka qaar ka helno.

Bal qiyaas, marka dal miisaaniyaddeenu ku tiirsan tahey taageeradiisa dhaqaale ama amnigeena qeyb ka ah aan ka codeyno ama u codeyn weyno?

Waxaan dowladda Soomaaliyeed kula talin lahaa:

1) In khubaro dublaamsiyadeed oo gaar ah lagu xoojiyo ergada, waqtina la siiyo madaxda hadda ergada joogta, kuwaas oo wax badan qabtey, waxna kororsadey;

2) In miisaaniyad ku filan loo sameeyo ergada, tababaro joogta ahna la siiyo;

3)  In aan caadifan loo adeegsan kursigaan, lagana fogaado in go’aamo shaqsi lagu saleeyo soo jeedinada iyo codka kursigaan;

4) In aan kursigaan uga faa’iideysanno dunida, kuna hana i saaxiibo iyo xariiro waxtar u leh qarankeena;

5) In go’aamada lagu gaarayo kursigaan ay noqdaan kuwo si fiican loo ruugey, lana jaan qaadi kara siyaasaddeena arimaha dibadda iyo danaheena dhul, dhaqan, dhaqaale iyo amni.

“Waa laba sano oo masuuliyad ah ee Alloow aysan nooga darin”

Maxamed Aadan Koofi
Agaasimihii hore ee heyadda socdaalka

No photo description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here