RIYADH (DAYNIILE.COM)-Dowlada Boqortyooyada Sucuudiga ayaa soo saartay jawal dhameystiran kadib aragtida bisha dul-xaj,sida maalmaha Xajka iyo maalinta Ciidul Adxaa.

Sacuudi Carabiya wuxuu ugu horeyn xusay in dhalashada Bisha Dul-Xaj la arkay fiidnimadii Khamiista, taasi oo xaqiijisay bilowga bishan sidoo kalana fududeysay in la ogaado maalmaha xajka iyo subaxa Ciidul Adxaa uu noqon doono.

Advertisement

Maxkamadda Sare ee Dalka Sucuudiga ayaa  go’aamisay in bisha Dul Xaj, oo ah bisha 12-aad dhamaadka sanadka Hijriga  ay billaabatay maanta oo Jimce ah sida lagu baahiyay Wakaalada wararka Sacuudiga ee SPA

Acmaasha Xajka ayaa ka kooban dhowr cibaado  oo lagu guto muddo afar maalmood ah, magaalada barakeysan ee Maka,waxaana ugu muhiimsan maalinka 9-aad ee bisha, oo ah marka Muslimiinta xaka ku sugan ay isugu soo baxaan buurta Carafa oo ahay goobtii uu Nabi Muxamed Sallalaahu Caleyhi Wasalam uu ka jeediyay khudbadiisii ugu dambeysay,.

Bishan Milaadiga 15-ka June ayay ku beegmeysaa 9-ka Bisha Dul-Xaj ee sanadka Hijriga Islaamka,Sidoo kale Maalinta Ciida waxay ku beegmeysaa 16-ka June ee sanadkaan 2024 ee milaadiga sida ay shaacisay Dowlada Boqortooyada Sacuudiga.

Wasiirka Xajka iyo Cumrada  Dowlada Sucuudiga Tawfiq al-Rabiah ayaa shalay shir jaraa’id uu qabtay wuxuu ku sheegay in ilaa iminka ay Sucuduiga soo gaareen qiyaastii 1.2 milyan oo qof oo ka kala yimid dalalka caalamka si ay u gutaan xajka sanadkan.

Sidoo kale Tirakoobkii sanadkii hore ay sameysay Dowlada Sucuudiga ayaa lagu sheegay inay Xajka guteen 1.8 milyan oo muslimiin ah kuwaasoo caalamka ka kala yimid.

Xajku waa mid ka mida 5-ta tiir ee Islaamka waana waajib in qof kasta oo muslim ah uu mar xajka soo guto hadii uu awoodo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Xajka 2023: Wax ka ogow digniinta Sacuudiga iyo fursadda dadka ku nool ay u heystaan inay xajiyaan - BBC News Somali

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here