“Waxaan helnay xog lagu kalsoon yahay oo sheegeysa in Al-shabaab ay malaayiin lacag ah ku bixineyso sidii guddoomiye Cali Jayte loo bedeli lahaa” ayuu yiri Maxamed Cabdi Waare.
Mudane Waare ayaa sidoo kale xusay in xil ka qaadista guddoomiye Cali Jayte ay tahay mid u hiilinaysa kooxda Al-Shabaab, islamarkaana ay hoos u dhigeyso howlgallada ka socda gobolka ee uu hormuudka ka yahay guddoomiye Cali Jeyte.
“Beddalka guddoomiye Jayte ayaa ah mid gurmad iyo nasteexo siinaysa Shabaab. Madaxweyne Guudlaawe Xuseen iska daa Guddoomiye Jeyte” ayuu yiri Waare.
Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynahii hore ee Hirshabeelle haatana ah Ergayga gaarka ee madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan Xasilinta iyo arimaha rayidka ee deegaanada laga xureeyay Shabaab ayaa kusoo beegmaya iyadoo khilaaf xoogan uu ka dhex taagan yahay guddoomiye Jeyte iyo madaxda Hirshabeelle, kaasoo salka ku haayo Canshuurta gobolka Hiiraan in lagu shubo qasnada Wasaaradda Maaliyada Hirshabeelle ee magaalada Jowhar.



