Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay qaar ka mid ah Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed iyo Madasha Samatabixinta Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa loiga hadlay arrimaha shirka dib u heshiisiinta Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed ee ka socda Magaalada Baydhabo.

Kulanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Madasha Samatabixinta iyo Midowga Musharraxiinta Koonfur Galbeed ayaa waxay diirada ku sareen sidii loogu guuleysan lahaa gogosha taala magalada Baydhabo ee looga arrinsanaayo dib u heshiisiinta deegaannada Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here