Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen.

Kulanka Ra’iisul Wasaare Xamse iyo Danjire Andersen ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa taageerada ay Denmark siiso Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Horumarinta, Dib-u-heshiisiinta, Xasillinta, Dowlad-wanaagga iyo Dhaqan-celinta dadka ka soo laabta Al-Shabaab.

Advertisement

May be an image of 2 people, people standing, suit and indoor

Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey Dowladda Denmark taageerada ay la garab taagan tahay  dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isaga oo dhankiisa adkeeyey Danjire Steen Sonne Andersen in ay ka go’an tahay xoojinta taageerada Soomaaliya, si loo xaqiijiyo nabadda iyo horumar waara.

Danjiraha Dowladda Denmark u fadhiya Soomaaliya, Steen Sonne Andersen ayaa ugu mahadceliyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre soo dhaweynta uu ugu sameeyay xafiiskiisa, isaga oo ku amaanay dadaallada ay waddo xukuumaddiisa.