John Ramirez oo dil ku xukuman ayaan doonayn xilliga xukunka dilka lagu fulinaya inuu keligii noqdo, oo wuxuu dadaal ugu jiraa sidi loogu oggolaan lahaa daqiiqadaha noolashiisa u dambeysa inuu baadari ka socda diinta uu aaminsan yahay uu la joogo si uu ugu duceeyo.

 

Balse codsiga maxbuuskan dilka ku xukuna waxaa gaashaan u daruuray Waaxda caddaaladda ee Texas, waxaana kiiskaasi loo gudbiyey maxkamadda sare ee Mareykanka.

 

Ninkan oo ay da’diisu tahay 37 jir, oo dil loogu xukumay kaddib marki lagu helay inuu 2004-tii uu dil iyo dhac u geystay nin dukaan ka shaqeynayey ayaa sheegay “tukashada ama ducada, heesaha kaniisadda iyo Taabashada qofka” ay qayb ka yihiin ficillada ugu dambeeya ee loo sameeya qof aaminsan diinta

Kirrishtanka daqiiqadaha noloshiisa ugu dambeeya.

Wuxuuna rumeysan yahay inuu xaq u leeyahay inuu helo ducada iyo sagootinta ugu dambeeysa uu baadariga xilliga dilka lagu fulinayo la joogo uu u sameynayo.

 

Balse codsiga maxabuuska dilka ku xukuman waxaa diiday laamaha Texas ee ay quseeysay, iyaga oo sheegay inuu ujeedka maxbuuska yahay in dib uu u dhigo xukunka dilka ee lagu fulinaya.

Ramirez ayaa arrintan dacwad ka gudbiyey isaga oo ku doodaya iney arrintan ka horimaneysa xurriyadda diimaha ee ku xusan qodobka 1-aad ee dastuurka Mareykanka, garsoorayaashana codsigiisa wey aqbaleen taariikhda Remirez dilka lagu fulin lahaa oo ku beegneed 8-dda September ee lasoo dhaafay dib ayaa loo dhigay, ilaa ay maxkamaddu fadhi dambe ka yeelato.

 

Xukunkan dilka ah ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay maxkamadda sare ee dalka Mareykanka dib u dhigto muddo saddex sano gudahood ah si ay uga fiirsato suurta galnimada in culimada ay ka soo qeybgalaan fulinta xukunka dilka ah iyo sidii loo fulin lahaa haddii la ansixiyo.

 

Sanadkii 2019-ka ayaa la arkay dhaleecayn baahsan kadib markii maxbuus Muslim ah uu ka codsaday wadaad Muslim ah inuu wehliyo daqiiqadaha noolashiisa ugu dambeeya, iyadoo codsi kaa la mid ah bil kaddib loo ogolaaday maxbuus Budhis ah.

Balse doodda ku saabsan xuquuqda diimaha iyo waxyaabaha kale ee ay tahay dadka dilka ku xukuman iney helaan xukunka intaan lagu fulin kuma koobna Maraykanka oo keli ah.

 

Dhammaan waddamada weli uu ka jiro xukunka dilka waxaa ka taagan dood ku saabsan waxa loo oggolaan karo maxabuuska xilliga xukunka dilka lagu fulinayo.

Dalka Japan laba maxbuus o dil ku xukunnaa ayaa tallaaba sharci ah qaaday kaddib isla-maalintaas loo sheegay in xukunka dilka lagu fulinayo.

 

Dalkaasi waxaa ka jira nidaam dhigaya maxbuuska dilka lagu fulinayo saacada ka hor marka xukunka lagu fulinayo in lagu wargeliyo, balse kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha wargelinta degdegga ah “iney si aad ah u sameyneyso maskaxda qofka” taasina ay ku keeni karto caafimaad darro maskaxeed.

 

Raggan ayaa Khamiistii la soo dhaafay dawacad u gudbiyey maxakamadda Osaka, taasoo la rumeysan yahay dacwaddan iney tahay tii ugu horreysay oo nooceeda ah, iyaga oo ku doodaya ogeysiiska muddada gaaban iney ku reebay saameyn xooggan ayna helin fursad ay maskaxiyan xukunka ugu diyaar garoobaan daqiiqadaha noolashooda ugu dambeeya.

Dalka Iran, xukunnada dilka ee sida qarsoodida ah loo fuliyana waxaa ka dhalatay falcelin heer caalami ah.

 

Dhammaan waddamada weli uu ka jiro xukunka dilka waxaa ka taagan dood ku saabsan waxa loo oggolaan karo maxabuuska xilliga xukunka dilka lagu fulinayo.

Dalka Japan laba maxbuus o dil ku xukunnaa ayaa tallaaba sharci ah qaaday kaddib isla-maalintaas loo sheegay in xukunka dilka lagu fulinayo.

 

Dalkaasi waxaa ka jira nidaam dhigaya maxbuuska dilka lagu fulinayo saacada ka hor marka xukunka lagu fulinayo in lagu wargeliyo, balse kooxaha u doodda xuquuqda aadanaha wargelinta degdegga ah “iney si aad ah u sameyneyso maskaxda qofka” taasina ay ku keeni karto caafimaad darro maskaxeed.

 

Raggan ayaa Khamiistii la soo dhaafay dawacad u gudbiyey maxakamadda Osaka, taasoo la rumeysan yahay dacwaddan iney tahay tii ugu horreysay oo nooceeda ah, iyaga oo ku doodaya ogeysiiska muddada gaaban iney ku reebay saameyn xooggan ayna helin fursad ay maskaxiyan xukunka ugu diyaar garoobaan daqiiqadaha noolashooda ugu dambeeya.

 

Dalka Iran, xukunnada dilka ee sida qarsoodida ah loo fuliyana waxaa ka dhalatay falcelin heer caalami ah.

 

Dalka Singapore waxaa ka jira shaki ku saabsan in xukunnada lagu fuliyo dad aan u qalmin xukun dil sida qofka garaadkiisa maskaxeed (IQ) uu yahay 69, taasoo ka dhigan inuu qofkaasi yahay mid ku sugan xaalad naafo maskaxeed.

 

Nagantran Dharmalingam waxaa la xiray 2009-kii kadib markii lagu qabtay 42 garaam oo maandooriyaha heroin oo uu Singapore soo gelinayey, waxayna ahayd in subaxnimada Arbacada xukunka dilka lagu fuliyo balse sheekada ninkan ayaa noqotay mid dalka oo dhan si weyn looga hadal hayey iyada oo ay dadku dalbanayaan waxa qofka xukun dil uu ku muteysanayo iney noqdaan kiisas adag ama culus.

 

Qareenka Darmalingam iyo kooxaha xuquuqda aadanaha waxay doonayaan iney ka hortagaan xadgudubka Singapore ay u geysaneyso shuruucda caalamiga ah ee dhigayo qof maskaxiyan aan dhammeystirneen in xukun dil ah lagu fuliyo.

Kooxaha sii deynta Darmalingam u doodaya waxay ka quusteen dhammaan wadiiqooyinka kale ee sharciga ee dalka Singapore ka jiray, ugu dambeyntina waxay codsi ah in la cafiyo u gudbiyeen madaxweynaha balse madaxweyahana codsigaasi wuu ku gacan seydhay.

laamaha dowliga Singapore dhankooda waxay ku doodayaan go’aankooda inuu yahay mid sax ah, iyaga oo sheegay ninka 33 jirka ah “inuu si cad u fahmayo ficilka uu sameeyey, xog ogaal buuxana uu u yahay wixii sax ah iyo wixii khalad ah”.

 

Caro ka dhalatay marxaladda uu maro xukunka dilka dalka Masar ?

Sharciga dalkaasi u yaalla gaar ahaanna kan khuseeya da’yarta ay da’dooda ka hooseyso 18 jir oo ku xadgudbo sharciga ciqaabta ee dalka Masar u yaalla wuxuu dhigayaa inaa “Xukun dil ah, xabsi daa’im, xabsi shaqo inaan lagu xukumi karin,” balse warbixin ay shaaciyeen kooxaha xuquuqda aadanaha Masar u dooda iyo sharci yaqaanno caalmi ah waxaa lagu sheegay tani iyo 2011-kii, 17 da’yar ah in xukun dil ah lagu fuliyey.

 

Garsoorka Masar ayaa oggolanaya in dadka da’doodu ka weyn tahay 15 sano la horkeeno maxkamadaha dadka waaweyn haddii ay jiraan dad waaweyn oo dambigaasi ku lug lahaa.

 

Haddaba, Maxkamadda sare ee dalka Mareykanka ayaa lagu wadaan iney kiiska Remirez go’aan ka gaarto, waxaana lagu rajo weyn yahay iney meel mariso go’aan maxbuuska dilka lagu xukmayo u oggolaanaya inuu helo xuquuqdiisa diimeed iyo inaan xuquuqdaasi dastuuiga ah uu leeyahay lagu xadgudbin.

Balse doodda arrintan waxay u muuqataa mid sii socon doonto si la iisu waafajiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, sharci fulinta iyo ilaalinta sharafta qofka taasoo noqoneyso mid dhinacya badan taabaneyso.

 

BBC

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here