Maxkamada Ciidamada Qalabka sida qeyta 27aad ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwadda loo heysto Maxamed Daahir Cali oo ku Eedeysan Dil iyo kufsi uu u geystay gabar Soomaaliyeed.

Falkan ayaa ka dhacay Tuulada Galka xorriyad-jiif oo katirsan degaanka Aqab-duce ee Gobolka Shabeellaha Dhexe 18-kii Bishii November ee sanadkan kaidb markii Maxamed Daahir uu kufsi iyo dil isugu daray Marxuumad Caasho Cabdi Maxamed.

Baraha Kiiskaan Xasan Maxamuud Wehliye ayaa Maxkamadda horkeenay baaritaanka uu sameeyay, isaga oo sheegay in Maxamed Daahir Cali oo tooreey ku dilay Marxuumad Caasho Cabdi Maxamed.

Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo dacwadda kusoo oogtay eeda la xiriirta in uu Maxamed Daahir Cali kufsaday kadibna uu dilay Gabar 16 jir aheyd oo lagu Magacaabi jiray Caasho Cadi Maxamed, isla markaana Maxkamadda uu ka codsaday in eedeysanaha ay Maxkamadda ku xukunto dil toogasho.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qeyta 27aad Gaashaanle Maxamed Amiin Aadan Cabdulle oo fadhiga Maanta ee Maxkamadda soo xiray aya sheegay in kiiskaan ay go’aan ka gaari doonaan.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa inta badan waxaa ay xukuno kala duwan ku ridaa rag looheysto inay katirsan yihiin Al-Shabaab ama Daacish oo ay geysteen dilal iyo qarayo balse waxaa aad u yar dad loo maxkamadeeyay inay kufsi iyo dil ay geysteen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here