Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday Nin la sheegay in lagu helay  la shaqeynta Ururka Al-Shabaab oo ku sugan degaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Ninka la sheegay in lagu helay la shaqeynta Al-Shabaab ayaa waxaa lagu Magacaabaa Xasan Cali Gaas, waxaana Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ay ku eedeysay in uu la Shaqeynayay Xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugan Tuulada Ceelgaras.

Guddoomiyaha maxkamadda Ciidamada qeybta 60-aad oo ku dhawaaqay xukunka maxkamadda ayaa sheegay in Xasan Cali Gaas  lagu qabtay, isaga oo waday 218 Xabo oo rasaasta Qoray AK47  ah oo uu u wadayTuulada Ceel-garas oo ay maamulaan Al-Shabaab, waxaana Maxkamadda ay ku xukunta Shan sano oo xabsi Ciidan ah.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in xukun sane Xasan Cali Gaas Cali uu u furan yahay racfaan ku siman muddo 30 Cisho ah.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 60aad ayaa horay waxaa ay xukuno kala duwan ugu riday Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo kamid ah kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo dilal geystay.

 

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here