Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27aad ayaa Maanta xukuno kala duwan ku riday Afar Askari oo katirsan Ciidamada xoogga iyo Nabadsugida Soomaaliya, kuwaas oo lagu helay dil iyo inay dhac ka geysteen degmada Doolow ee Gobolka gedo.

Dable Nisa Bukhaari Axmed Maxamuud iyo Dable Xooga Salmaan ibraahin Shire Weelfuratey ayaa lagu xukumey dil toogasho ah halka Dubad Axmed Xuseen Cilmi lagu xukumey Sadddex sano oo xarig ah & Sharmaake Muxumed Cali oo lagu xukumey hal sano oo xabsi ah.

Guddoomiyaha Maxkamada qeybta 27aad ee Ciidamada qalabka sida Gashaanle Maxamed Amiin Cabdulle ayaa sheegay in kadib markii lagu helay ragaan cadeynta dambiyada lagu soo eedeeyay xukunka lagu riday, isla markaana ay heystaan muddo 30 Cisho ah inay racfaan ka qaataan xukunka.

Horay Maxkamadda Ciidamada qalabka sida qeybta 27ad ayaa dhowr jeer waxaa ay xukuno dil toogasho iyo xabsi ah ku riday askar kala duwan oo lagu eedeeyay dil iyo dhac , kuwaas oo kamid ah Ciidamada ay dowladda Soomaaliya geysay degmooyin kamid ah Gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here