Iyadoo deegaano hor leh al shabaab laga saaray saacadihii lasoo dhaafay dhinaca gobolka shabellaha dhexe ayaa hadana waxaa jira dhaq dhaqaaqyo ciidan iyo abaabul dagaal oo deegaano kale lagu wajahan yahay.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe,wasiiro heer dawlad gobolleed ah,xildhibaano federaalka iyo kuwa Hirshabelle katirsan,saraakiil ciidan iyo Taliyaha xoogga dalka General Odawaa Yuusuf Raage ayaa kusugan Gobolka Shabellaha dhexe.

Waxaa la dejinayaa istaraatiijiyadii lagu qaban lahaa degmada Aadan Yabaal oo ah saldhiga ugu weyn ay shabaab ku leeyihiin Shabellaha dhexe,halkaasi oo ay iskugu geeyeen awoodii ugu badneyd.

Korneel Ceel baare oo katirsan saraakiisha beesha abgaal ee kusugan masaajid cali guduud ayaa sheegay in dhawaan ay qaadi doonaan duulaan ka dhan ah AL shabaab.

Waxa uu korneelku sheegay in ay Aadan Yabaal,Masagawaay ilaa xarar dheere ay hadda kadib udhaqaaqi doonaan si looga xoreeyo argagaxisada al shabaab sida uu warka udhigay.

Muddo todobaad ah ayey ciidamada dawladda iyo kuwa macawiisleyda ku qaadatay inay lawareegaan deegaanka masaajid cali guduud,taas oo lagu dhaliilay beesha abgaal inaysan dagaalka sidii laga filayey usoo gelin looga xoreenayo dalka Al shabaab

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here