War Qoraal ah oo kasoo baxay Midowga Afrika ayaa looga hadlay rabshadaha ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan dagaalkii dhax maray ciidamo kala taabacsan dowlada iyo Midowga Musharaxiinta Madaxweynaha.

Midowga Afrika qoraalka kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay la socdaan xiisada kasoo cusboonaatay Muqdisho, waxaana amar lagu siiyay ciidamada AMISOM in ay dhax dhaxaad ka noqdaan xaalada ka taagan Muqdisho.

Ciidamada AMISOM ayaa la faray in ay ku shaqeeyaan awooda sharciga ah ee la siiyay ayna ilaaliyaan nafta iyo hantida kuwa katirsan AMISOM iyo xarumaha ay joogaan sida Villa Soomaaliya ayna adeegsadaan awood macquul ah hadii laga fursan waayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here