Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ka hadlay haddiiba kooxdiisu ay wax saxeexyo ah ka samayn doonto suuqa maanta oo ah maalinta ugu dambaysa suuqa xagaaga.

Klopp ayaa hadlay kaddib kulankii ay xalay kooxdiisu guusha xilliga dambe ah ka gaadhay Newcastle United oo marti ugu ahayd Anfield.

Booska ay eedaynta ugu badan kula kulmayso kooxdiisu ee ay jamaahiirtu saxeex cusub u rabaan ayaa ah khad dhexe oo ugu yaraan ka wanaagsan Jordan Henderson iyo James.

Advertisements

Klopp ayaa si cad u sheegay inuusan filayn inay saxeex samayn doonaan maanta balse qishay in markasta oo wakhti jiro ay wax dhici karaan.

“Uma malaynayo (Inaan saxeex samayn doono) balse markasta oo uu wakhti jiro maaha inaynu albaabka gabi ahaanba xidhno. Sida cad  Hendo wuu dhaawacmay, dhaawac muruq ah ayaa gaadhay kaas oo aan gabi ahaanba na caawinayn balse uma malaynayo inaanu saxeexyo saman doono” ayuu yidhi Jurgen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here