Khilaaf xoogan oo u dhaxeeya Gudoomiyaha Maxkamadda sare, Xeer-ilaaliyaha guud oo dhinac ah iyo guddiga Baraalamaanka ee Garsoorka, Arimaha Diinta iyo cadaaladda ayaa u xuub-siibtay Mooshin dib u eegis xil oo Guddiga Joogtada ee Baarlamaanka loo gudbiyey.
Guddiga ayaa dhowr jeer u direy u yeeris Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer-ilaaliyaha guud si wax looga waydiiyo arimaha Garsoorka, dhinaca Gudomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer-ilaaliyaha ayaa iska diiday in ay hortagaan Guddiga Baarlamaanka.
Horey waxaa Madaxwayne Xasan Sheikh Maxamuud loogu gudbiyey cabashooyin ay qoreen Garsoorayaal, ku xigeeno Xeer-ilaaliyaha guud oo ka dhan ahaa Go’aanno isku shaandhayn ah, shaqo joojin iyo soo koobis Maxkamado iyadoo Garyaqaanka guud iyo Heer gobalka Banaadir uu ku tilmaamay go’aannadaas kuwo aan sharci ahayn, islamarkaasna ah ku tafri fal awoodeed.
Guddiga Baarlamaanka ee arrimaha Garsoorka ayaa mooshin ka dhan ah, Gudoomiyaha Maxkamadda sare iyo Xeer-ilaaliyaha guud ku hayo gacanta, kaas oo lagu wado in loo gudbiyo Guddiga joogtada ah.
- Kooxda Damul-jadiid ayaa la aaminsanyahay in qorsheynayaan in ay soo magacaabaan ka hor 15 May Gudoomiyaha Maxkamad sare iyo Xeer-ilaaliyaha guud oo u ah muhiim ah howlaha doorashooyinka, muddo kordhinta, iyadoo Xafiska Xeer-ilaaalinta loo adeegsan doona in musharixiinta qaar loo yeelo dambiyo.