Waxaa Magaalada Muqdisho goor dhawayd ka bilaawday dibad-bax ballaaran oo lagu dalbanayey in dalka dib loogu soo celiyo askartii loo qaaday dalka Eritrea, kadib markii ay soo baxday in laga qeyb-galiyey dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray ee waqooyiga Itoobiya.

Mudarahaad loogu magac daray Ilmihii Eritrea loo qaaday aaway ayaa ka socda magaalada Muqdisho gaar ahaan isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho. Waxayna wataan boorar ay ku qoranyihiin Madaxweynaha Waqtigiisa dhamaaday farmaajo iyo Madaxweynaha Eritra afawerk.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ku qelinayey erayo ka dhan ah madaxda dowladda federaalka ah iyo kuwo kale oo ay ku cabariyeen dareenkooda, sida ilmihii Eritra loo qaaday aaway? inta dhimatay maahinee inta kale hala bad-baadiyo iyo erayo kale.

Sidoo kale Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tegay, si ay u kala dareeriyaan dibad-baxayaasha oo maanta si nabadoon isugu yimid isgoyska KM4.
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here