Waa laba u baahan talaabo qaad geesinimo kudhisan, hogaamiye walba oo soomaaliyeed ee soo mara hogaanka dalka, waxa uu kabaqayaa laba arrimood oo uusan ujeclaysan dhisidda guddiga adeegga garsoorka & Maxkamadda datuuriga ah.

tan koowaad waa in ay saamayn kuyeelanayso awoodihiisa dhanka garsoorka, meeshana kabaxayso faragalin walba oo garsoorka uga imaan jirtay xafiisyada sarre ee dalka.

Tan labaad ayaa ah maadaama siyaasadda dalka xasilnayn in guddiga adeegga garsoorka & Maxkamadda dastuuriga ah loosoo dhaxmaro si xilka looga qaado hogaanka Dalka si sax ah ama si khaldan.

Dhismaha Guddiga adeegga garsoorka & Maxkamadda dastuuriga waxaa kudhiiran kara oo kaliya hogaamiye aan damac kaga jirin kursi boob & Awood isku dhajin Kabiloow hogaamiye gobol illaa federaalka.

Waxaa kudhiiran kara hogaamiye is-huba oo aan cabsi kaqabin dambi loo raacdo mid hore & Mid dambe, waa laba talaabo oo saldhig u ah siyaasad xaailloon & Garsoor caddalaad ah oo loo siman yahay, balse fulintooda ay adag tahay, kaliya waxaa awooda fulintooda hogaamiye dalka siisan damiciisa gaarka ah, hogaamiye is-huba oo doonaya taariiq wannaagsan & dal xasilloon haba kuwaayo xilkiisa arrintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here