Advertisement

Waxaa magaalada Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay shirkii Sanadlaha ahaa ee u socday Golaha Sare ee Jaamicadda ( boorka) Mogadishu University oo uu Gudoomiye  ka Yahay  Prof . Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

Shirkaan oo ahaa shir lagu lafa guraayay xaalada wax barasho ee Mogadishu University iyo sidii loo sii balaarin lahaa ayaa waxaa ka qeyb galay Xubno ka tirsan Boorka jaamacada, waxa uuna ahaa kulan lagu lafa gurayay xaalada Mogadishu University iyo wax qabadka sanadlaha ah oo la iska waraysanaayay, waxaana halkaas qudbado kala duwan ka jeediyay Mas’uuliyiin uu ka mid ahaa Prof . Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

“ Waxaan soo gunaanadnay shirka Boorka Mogadishu University جامعة مقديشو oo lagu qiimeeyay hawlihii sanadkii hore ee 2022, laguna ansixiyay miisaaniyadda iyo hawlaha sanadka 2023-24. Boorku wuxuu bogaadiyay maamulka Jaamicadda oo horumar wayn ka sameeyay adeegsiga teknolojiyada, gaar ahaan furidda online program”ayuu yiri Gudoomiyaha Mogadishu University  Prof . Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow oo halkaas ka hadlay.

Sidoo kale kulankaas ayaa ku soo dhamaaday si af garad iyo  is Xog waraysi, in la Saxo wixii dhacay horayna loola socda jaamacadaha caalamka iyo kuwa dalalka Dariska ah oo wax barashada meelo Fiican ka gaaray.

Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here