Musharixiinta u taagan qabashada Xilka Madaxweynaha 10aad JFS ayaa kulamo siyaasadeed oo ay ku xoojinayaan loolanka kawada Magaalada Muqdisho si musharax weliba uu u helo Codadka Xildhibaannada iyo Senatarada Baarlamaanka Federaalka.

Madaxweynayaashii 8aad, 7aad, Iyo Raiisula Wasaarihi hore Xasan Cali Khayre  hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir, musharixiin, Siyaasiyiin iyo Shakhsiyaad kale ayaa dhaqdhaqaaqyo xooggan oo dhanka kulamada siyaasadda ah ka wada Gobolka Banaadir.

Kulamada musharixiinta ayaa dhowr qayb ah waxaana kamid ah: In Musharixiintu ay raadsanayaan xildhibaannada iyo Senatarada u codeynaya Madaxweynaha 10aad si ay uga helaan ballanqaad dhanka codadka ah, qaarkood oo isu tanaasulaya ama ku tashanaya in codadka ay isku geddiyaan marka Doorashada la gaaro.

Maalin keliya ayaa ka dhiman in ay dhacdo Doorashada Madaxweynaha 10aad JFS oo ay u taagan yihiin 37 Musharax maadaama uu tanaasuleen Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo Cabdi Naasir oo 39 ku ahaa Musharixiinta Madaxweynaha.

Guddiga Isku dhafka ah ee Baarlamaanka Federaalka u qaabilsan Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Jamhuuriyadda ayaa dhankiisa wada abaabul la xiriira isu diyaarinta Doorashadaas oo 15ka May 2022 ka dhaceysa Afisiyooni.

Madaxda Dowlad-Goboleedyada, Safiirada ku shaqeeya Muqdisho iyo Marti kale oo lagu casuumay in ay goobjoog ka noqoto Doorashada Madaxweynaha 10aad ee Soomaaliya ayaa ku sugan Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here