0Musharax Cabdirmaan Cabdishakuur ayaa ka dhawaajiyey hadal culus oo lid ku ah Xarunta Madaxtooyada Farmaajo isagoona wacad ku maray in Doorasho aysan raali ka aheyn Muqdisho ka dhaceyn

Waxuu sheegay in Xildhibaan qofka Noqonaayo uu tagaayo Xarunta Nabad Sugida Qaranka Halkaana lagu dhaarinaayo ka dibna damiin laga Doonaayo in uu dacad u yahay Nabad iyo Nolol

Siyaasiga ayaa ku booriyey in Nabad sugida Xisbi ku dhawaaqdo madaama Lacagtii Qadar taalo xaruntaas halkaana lagu qeybinooyo

Marnaba kama dhaceysa Doorasha aan raali ka aheyn ayuu yiri Muqdisho sharafteena ilaashaneynaa mana qaadan doono Dulinimo ayuu ku goodiyey

Mar uu ka hadlaayey shaqada Xafiiska Wasiirka Koowaad ayuu yiri maba jira xafiis Ra iisal wasare maba aqaano ayuu yiri meel uu ku yaalo isagoo ula jeeda xafiiska in uu kala wareegay Fahad Yasiin Xarintiisana laga maamul Dalka

Cabdiramaan Cabdishakuur ayaa yiri ma la garan karo cida uu u shaqeynaayo Fahad Yasiin uu la doonaayo Madaxweynaha Dalka Farmaajo wax ma oga waxuusa ogeen ayuu wadaa

Puntland iyo Jubbland u maleen maayi ayuu yiri in Beenta Fahad Yasiin qaadanayaan waa dad dalka ka naxaayo

Dalka damac baa nooga jira ayuu yiri waana ka damqan mana ka yeeleyno Kuwa doonaayo in ay xoog ku qabsadaan

Dadka doqon bay nagu dhahaan madaama iska daawanay sameyntii maamulada Galmudug taana ma dhaceysi ayuu yiri mana ka dhaceysa Doorasho ayuu ku soo xiray Muqdisho

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilecom8@gmail.com

TEL 00254714116520

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here