Musharax Madaxweyne Xasan Cali Khayre oo hambalyo bogaadin hawada u mariyey Gudoonada Cusub ee Aqalka Sare maanta uu dalka yeeshay asigoo tilmaamay in xasilinooda siyaasadeed ee dalka kub jiray ka  bixi doono.

“Waxaan aad usoo dhaweynayaa doorashadda guddoonka aqalka sare ee maanta ka dhacday magaalada Muqdisho. Waxaan si isku mid ah ugu hambalyeynayaa Guddoomiyaha Aqalka sare, Senetor Cabdi Xaashi Cabdulaahi, Guddoomiye ku xigeenka 1aad, Cali Shacbaan Ibraahim iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad Cabdullaahi Cali Xersi Timacadde. Dhamaantood waxaan u rajeynayaa in Allah uu ku asturo xilalka muhiimka ah ee loo doortay.
Tani waxey cadeyn u tahay in dalku uu dhawaan ka bixi doono xasilooni la’aanta siyaasadeed, uuna miro dhalay dadaalkii adkaa ee laga soo maray in dalka ay ka dhacdo doorasho xasiloon, oo la isla oggolyahay”

Musharax Khayre waa shaqsiga ugu saameynta badan ee musharaxiinta u taagan xilka madaxweyninamada Soomaaliya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here