Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa si weyn u dhaliilay hadal jeedintii Madaxweynaha Waqtigiiso dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dhawaan jeediyay oo kaga hadlay go’aankii ay qaateen Madaxda maamulada iyo Ra’iisul wasaare Rooble.
Qoraal Kooban oo uu soo saaray ayaa sidaan u qornaa:

Khudbaddii Mohamed Abdullahi Farmaajo waxaa ka muuqday in wixii aan ugu baaqaynay uu baal maray.

Markay arrimuhu murgaan, heerka ay doonaan ha ahaadaane, waxaa lagu xalliyaa wada xaajood xal doon ah oo akhyaar ay ka arrimiso ee xujootan iyo garnaqsi in lagu kala tago keenaaya laga lama hortago.

In la saxiixo ha loo yimaado iyo shuruud la’aan ha lagu yimaado, waa xujootan iyo mindi mindi ku taag, xalna ma keenaan ee Farmaajow usoo diyaar garow xaajo, xujootankana meel iska soo dhig.

.
Office Nairobi Kenya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here