Waxaan ka tacsiyeynayaa dhamaan shacabkii iyo masuuliyiinta katirsanaa hey’addaha amniga ee ku geeriyooday qarixii caawa fiidkii ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho. Waxaan sidoo kale Ilaahay caafimaad deg-deg ah u weydiinayaa dhamaan dadka dhaawaca ama waxyeelooyinka kale ay kasoo gaareen qaraxa.

Waxaa Ilaahay mahadiis ah in falkaas ay argagaxisadu maleegeen ay ka badbaadeen xildhibaanadii iyo masuuliyiintii kale ee bartilmaameedka ahaa. In dhiig qof muslim ah la daadiyo iyada oo lagu jiro tobankii danbe ee bisha barakeysan ee Ramadaan, waxa ay muujineysaa sida kooxaha nabad-diidka ah ay uga fogyihiin diinta xaqqa ah ee Rabi, waxeyna tilmaameysaa arxan-darida kooxahaas ka fog ku dhaqanka diinta iyo garashada insaanimo.

Hey’ addaha amniga ee dalka, waxaan ugu baaqayaa inay masuuliyad dheeri ah iska saaraan amniga dalka iyo goobaha bar-tilmaameedka noqon kara, xiligan xasaasiga ah ee dalka ay ka socoto doorashadda Madaxtinimo. Waxaana ugu baaqayaa inay ka dheeraadaan ku dhex-milanka siyaasadda maalinlaha ah iyo ololaha doorashooyinka, ayna xooggooda iyo waqtigooda galiyaan gudashada waajibaadkooda shaqo ee sugitaanka amniga muwaadiniinta soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here