
Geela adduunka waxa lagu qiyaasaa 12 million. 7 million Alle wuxuu ku manaystay Somalia..!
Somaalida inteeda badan ma aha Geel Dhaqato lkn waa GeelJire ama Geel Raacato.
Geel Jiraha Somaalida waxa lagu qiyaasaa 80% inuu ka yahay shacabka Somaaliyeed. 15% waa beraleey iyo 5% dadka dega xeebaha.
Hadaba, muxuu ku wanaagsan yahay Geel Jire, muxuuse ku liitaa?
1. Geel jire waa *Geesi*..
2. Geel jire waa *Codkar..*
3. Geel jire waa *Bulshay..*
4. Geel jire waa *Qar iska tuur..* Risk taker..!
5. Geel jire *Cuqdad maleh..*
6. Geel jire waa *Deeqsi..*
7. Geel jire *Dulqaad* ayuu leeyahay..
Muxuu ku liitaa *Geel jire..?*
1. Geel jire : *malaha Qorshe Nololeed..*
2. Geel jire : *Dulqaad* ayuu leeyahay lkn *Sabur* maleh..
N.b. Farqi wayn ayaa u dhaxeeya *Dulqaad* iyo *Sabur*..
3. Geel jire *SIR maleh..* waa maalin dhalay..!
4. Geel Jire: *Wadani ma aha..* meesha geelisa uu Biyo iyo baad uga helayo ayaa wadan u ah..!!
Sidaa awgeed, qofkii doonayaa inuu ogaado dhibaatada Somaaliya, waa inuu fahmo aqlabiyadda geel jiraha ayaa Hoggaanka dalka marwaliba haysa.. sida ay Geela hoggaankiisa u hayaan ayay hoggaanka Qarankana uula daalaa dhacayaan..!!
Waa arrin u baahan in si mug leh looga doodo si loo fahmo asalka dhibaatada Somaaliya
Haji Mohamed Yassin