Subaxnimadii hore ee Maanta oo Jimaca ah Dhul gariir Xoogelh ayaa ku dhiftey Dalkaas iyada oo Samatabbixiyeyaasha baaraya burburka isbitaal ku yaal Indonesia oo qeyb

ahaan burburay ka dib markii dhul gariir dad badani ku dhinteen uu ku dhuftey jasiiradda Sulawesi, halkaas oo ay ku dhinteen ugu yaraan 30 qof.

Dhulgariirkan oo cabirkiisu yahay 6.2 magnitude subaxnimadii Jimcaha ayaa yimid saacado uun ka dib markii dhul gariir hore uu dhacay, Boqolaal qof ayaa ku dhaawacmay kumanaan kalena way ku barakaceen dhulgariirka.

Arianto, oo ka tirsan wakaalada badbaadada ee magaalada Mamuju, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP inay isku dayayaan inay gaaraan kuwa ku xayiran Burburka hoostiiga Ma uusan cayimin lambar dhab ah.

Maamulka Dalkaasi ayaa tirada guud ee dhimashada magaalada ka dhigay ugu yaraan 26 laakiin waxay ka baqayaan in intaa ka sii badan ay ku aasanyihiin dhismayaasha dumay, sida ay baahineyso wakaaladda Gurmadka deg dega ah.

Xudunta dhul gariirkii maanta ayaa ahaa lix kiiloomitir (3.73 mayl) waqooyi bari magaalada Majene amaba ilaa iyo 10 kiiloomitir. Khasaaraha ugu horreeyay ee Majene ayaa la sheegay in afar qof ay dhinteen boqolaal kalena ay dhaawacmeen.

Dalka Indooniisiya ayaa taariikh u leh dhulgariirro ba, an iyo Sunaamis iyadoo in ka badan 2,000 oo qof ku dhinteen dhul gariirkii ka dhacay Sulawesi 2018.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa soo warisay in lix bukaan ah iyo qoysaskooda ay ku xayiran yihiin markii ay burbureen qaybo ka mid ah isbitaalka Mitra Manakarra ee magaalada Mamuju

Waxaa  diyaarshay Cabsiwahaab Aadan Cabdiramaan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here