Senetar Muusa Suudi Yalaxow oo ka mid Xildhibaannada Aqalka Sare kuwaas oo lagu soo doortay Magaalada Jowhar oo ah Deegaan doorashada koowaad ee dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa qaatay shahaadada Xildhibaanimo ka dib markii warar la’isla dhaxwareegayay ay sheegayeen in uu xanuunsanyahay.

Senetar Muusa Suudi oo Warbaahinta kula hadlay xarunta Guddiga doorashooyinka heer federal ayaa beeniyey warar sheegaya in uu xanuunsanyahay, asiga oo ka hadlaya waxa uu yiri “ Waa ilaah mahadii haddii aan qaatay Shahaadada; aniga oo fiyoo, waa jiran yahay, waa dhintay, waa maqanyahay, xow qaadan waayay, waxaas oo dhan maanta wey hareyn.”

Asiga oo hadalka sii wato ayuu sheegay in uu rajeynayo dalka in ay ka dhacdo doorasho xur iyo xalaal ah waxa uu carabka ku dhuftay Senetar Muusa asiga oo ka hadlaya Doorashooyinka waxa uu dhahay “Cid walba waa lala tartamaa, tartanka haddii loogu adkaado waa in ay ogalaataa, Waqtigeeda haddii uu dhaco waa in ay aadaa doorasho”.  Ayuu yiri.

Dhanka kale Muusa Yalaxow ayaa uga digya Hoggaan dalka haddii uu waqtiga ka dhammaaday in ay aadaan doorasho aysan sameyn dagaal, waxa uu kale u soo jeediyay in ay dadka isku dirin ayaga oo fiirsanaya danahooda gaarka. “dhalinyarada waxa aan leeyahay; Ciidan noqda ama Saraakiil noqda ama dhalinyaro aqoon yahaana noqda, Mustaqbalka adinkaa leh, Nin tagaayo yuusan idinlatagin, Nin dhacay yuu idindhumin.”

Senetar Muusa Suudi Yalaxow ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu diidan yahay doorashada Gedo “Farmaajo Dadkiisii Gedo ayuu ka xayiray, doorasho gali markartiin ayuu leeyahay ” waa sida uu hadalka uu u dhigay.

ugu dambeyn Muusa Suudi ayaa ugu baaqay Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen in uu soo fasaxo Xildhibaannada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay KGa, si ay u qaatan shahaadada Xildhibaanimo.

Hadalkaan ayaa ku soo beegmaya xilli ay Muqdisho ka socoto shahaado siinta Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS, kuwaas oo la doonayo in lagu sameeyo hor istaag ku aadan in dib loo dhigo dhaarinta Xildhibaannada oo lagu wado in la dhaariyo 14 April 2022.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here