MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Ciidamada Booliiska Somalia gaar ahaan kuwa Muqdisho ayaa maanta gaadiid dagaal waxay ku weerareen nin la sheegay inuu abti u yahay Xildhibaan Yuusuf Kabaal kaasoo is rasaaseyn kooban kadib la soo xirey.
Ninkaan oo lagu magacaabo Cali Xasan ayaa wararka qaar sheegayaan inuu ka tirsan yahay saraakiisha ciidamada Dowlada, waxaa lagu heystaa inuu hor istaagay dhul Dowladu amartay in la baneeyo.
Ninkaan iyo dhalinyaro kale oo hubeysan ayaa dagaalka kala hor yimid Booliiska oo aad u hubeysnaa markaasoo ugu dambeyn la soo jeebeeyay Cali Xasan laguna tuurey xabsiga.
Ninkaan oo ku reer ah Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu u bareeray inuu dagaal kala hor tago ciidamada Booliiska islamarkaana diido amarka dowlada ee baneynta dhulkaasi.
Saldhiga Degmada Dharkeenley ayaa la sheegay in lagu hayo waxaana macquula in maxkamad la soo taago madaama dagaal kala hor yimid ciidamada Booliiska Soomaaliya ,sidoo kalana ka hor yimid awaamiirta ciidamada Dowlada.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM