Guriceel (dayniiile.com)-Taliyaha Booliska Degmada Guri-ceel ee Gobolka Gal-gaduud sharaxad ka bixiyay dagaal xalay ay magaalada kula galeen Dabley ka tirsan ciidamada macawisleyda kaasoo gaystay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Taliyaha Booliiska Guricel Cusmaan Cali Huudeey ayaa warbaahinta u sheegay inaysan aqbali karin dad wata dhar shacab oo hadana hubeysan.

Advertisement

“walaalaheena Macawisleyda loo yaqaan waa ku mahadsan yihiin garab istaaga dadkooda iyo dowladooda laakiin waxaa mamnuuc ah in magaalada ay hub ku dhex qaataan waxaan ugu baaqeynaa inay hubkooda guriga dhigtaan markay furimaha fasax ka soo helaan kadibna ay guriga hadana ka qaataan marka ay jiida hore ku laabanayaan”ayuu yiri Taliyaha.

Taliyaha wuxuu si adag uga hadlay in ka Booliis ahaan ineysan aqbali karin qof shacaba hadana shacabka qorey la soo dhex galaya,xili dhanka uu dhanka kalana macawisleyda ku tilmaamay dad xaq u dirir ah.

“qof kasta oo qorey sharci daro ah wata waxaa xil naga saara yahay inan hubka kala waregeyno waxaana wadnaa howlgalada nuucaas ah”ayuu yiri Taliyaha

Warka Taliyaha waxaa laga dhadhansan karaa inuu jiro  is faham daro u dhexeysa macawisley iyo Taliska Booliiska taasoo hadii xal degdega aan loo helin keeni karta dagaalo kale .

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here