Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ka qeybgalay Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika ayaa maanta ka jeediyay khudbad dhinacayo badan taabanaysay taas oo uu kaga hadlayay muhiimadda ay leedahay taagerada dowladda Japan amniga iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Ugu horreyn Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa martida ka qeyb galaysa shirka uga warbixiyay xaaladda guud ee Dalka isaga oo ka hadlay Xaaladaha Amniga iyo muhiimadda uu Amniga u leedahay dowlad dhiska Soomaaliya.

Ra’iisul Xamsa  ayaa sheegay “In amniga iyo degenaanshaha ay yihiin wax aan gorgortan laga geli karin,  si horumar bulsho iyo isku filnaansho dhaqaale loo helo, isaga oo xusay in isbadelka cilmillada iyo colaadaha dunida ka jira ay saameyn xoog leh ku yeesheen nolosha bulshada, xili dalka ay ka jiraan abaaro saameeyey dadka iyo duunyada.” Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha oo ka hadlayay taageerada Dowladda Japab ee dhanka Ciidanka ayaa yiri “Waxaan jeclaan lahaa in aan qiro, muhiimadda ay leedahay Kaalmada Japan, gaar ahaan, dadaallada kor loogu qaadayo tayada booliiska iyo hay’adaha amniga, bixinta nidaamyada isgaarsiinta ee Booliiska Soomaaliya iyo taageerada warshadaha gudaha ee muhiimka ah, si kor loogu qaado shaqada loona hagaajiyo hab-nololeedyada”. Sida uu yiri Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse.

Sidoo kale khudbad Ra’iisul Wasaaraha ee Shirka Caalamiga ee Tokyo ee Horumarinta Afrika ayuu ku sheegay ahmiyadda ay leedahay taageerada dowladda Japan ee xilligan, si looga miro dhalayo hadafyada waaweyn ee la higsanayo ee dhinacyada amniga, wax ka qabashada colaadaha, abaaraha iyo isbeddelka cimillada.

Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre, ayaa inta uu socday shirka caalamiga ee TICAD8, kulamo doceedyo la yeeshay madaxda ka qeyb galaysa shirka, kuwaas oo ay ka mid yahay Madaxweynaha Dalka Tunisia Qays Saciid iyo Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Jabuuti Cabduqaadir  Kaamil Maxamed oo uu kala hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here