Madaxweynaha Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni oo kusugan Imaaraadka Carabta ayaa kulan la qaatay Madaxda Shirkadda DPWORLD, si loo dardargeliyo oo dhakhso loo billaabo dhismaha iyo balaarinta Dekadda Boosaaso.

Madaxweynaha ayaa kulan mirro dhal ah la qaatay Suhail Al Banna oo ah Masuulka DPWORLD u qaabilsan Bariga dhexe iyo Africa, waxaana la isla gaaray in sida ugu dhakhsiyo badan loo billaabo Balaarinta iyo Dhismaha Dekadda Boosaaso.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Dekaddaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland. Kuwaasi oo markii Kulanku dhammaaday booqasho ku tegay Dekadda Jabal Cali iyo Xafiiska DPWORLD.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa dhowr mar Madaxda Shirladda DP WORLD kala hadlay sidii loo dhaqaajin lahaa Shaqada balaarinta Dekadda Boosaaso, iyada oo ilaa iyo hadda aysan jirin dhisme lagu guuleystay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here